Wednesday, October 9, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Baarlamaanka dalka Kenya oo xilka ka qaaday Madaxweyne kuxigeenkii kenya.

Arbaco 9-Oct, 2024 {HMC} Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka dalka Kenya , ayaa caawa xil ka qaadis ku sameeyeen madaxweyne ku xigeenkii dalkasi Rigathi Gachagua, kaddib markii loo codeeyay mooshin laga gudbiyay.

Mooshinka xilka looga qaaday Madaxweyne kuxigeenka dalka Kenya Rigathi Gachagua , waxaa u codeeyay 281 xildhibaan , halka ay kasoo horjeesteen 44 xildhibaan , kuwaa oo kamid ahaa taageerayaasha Madaxweyne kuxigeenka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Kenya Moses Wetangula , ayaa shaaciyay in mooshinka xil ka qaadista Madaxweyne kuxigeenka uu meel maray ,sidaasi awgeedna Rigathi Gachagua laga xayuubiyay jagadii uu Qaranka Kenya u hayay.

Xildhibaannada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Kenya , ayaana loo gudbinayaa mooshinkan xilka looga qaaday Madaxweyne kuxigeenka Kenya , kuwaa oo go’aanka ugu dambeeya ee xil ka qaadista leh.

WARARKA