Wednesday, October 9, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Xisbullah oo beegsatay magaalada dekedda leh ee Haifa.

Talaado 8 Oct, 2024 {HMC} Xisbullah ayaa labadii maalmood ee u danbeysay waxa ay bartilmaameed toos ah ka dhigteen magaalada dekedda leh ee Haifa oo ah magaalada seddexaad ee Israa’iil.

Xisbullah ayaa sanado badan waxa ay soo saareysay hanjabaado kala duwan oo ah in ay weerari doonto magaalada Haifa, oo qiyaastii 16-kiiloomitir u jirta xadka Lubnaan.

Duqeymo isdaba joog ah oo gantaalo ah ayay Xisbullah fulisay sanadkii 2006, inkasta oo xilligaas aysan ku bartilmaameydsan xarumaha sifeynta iyo warshado ku yaalla magaalada Haifa.

Xisbullah ayaa sidoo kale sheegtay inay fuliyeen weerarro loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn kuwaas oo ay ku nqaadeen magaalada Haifa.

Magaaladaan ayaa leh dekedda ugu weyn Israa’iil waxaana mararka qaarkood ku soo xirta ciidamada badda ee Mareykanka.

Haifa ayaa sidoo kale leh warshado kiimikooyinka iyo saliidaha sifeeya, iyadoona warshadahaan ay shidaal siiyaan kuwa korontada.

Gantaalada lagu weeraro magaaladaan ayaa sababi kara dhibaatooyin ballaaran oo soo gaara xarumo kala duwan oo muhiim u ah Israa’iil.

Dhanka kale haddii la weeraro xarumaha sifeeya saliidda iyo kuwa kiimikooyinka waxaa ka dhalan kara khatar ku timaadda dadka deggen magaalada Haifa, iyo meelaha ka baxsan, sidoo kale waxaa jiri kara dhibaato ku timaadda deegaanka.

Haddii weerrada gantaalada ah ee magaaladaan ku dhacaya lagu bartilmaameedsado xarumaha muhiimka ah waxaa sidoo kale ka dhalan karta burbur ku yimaada saadka tamarta iyo dhaqaalaha.

Kooxda Xisbullah ayaa bartilmaameed ka dhigatay magaaladaan iyada oo u arkeysa mid muhiim ah.

Xigasho BBC

WARARKA