Tuesday, October 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Raiisul wasaare Xamse oo ka hadlay halka uu maraayo shirka Golaha wadatashiga qaran.

Talaado 8-Oct-2024 {HMC} Raiisul wasaaraha xukuumada federaalka soomaaliya xamse cabdi barre ayaa xalay kahadlay arrimo badan oo ku saabsan xaalada dalka

Raiisul wasaaraha ayaa sheegay mudadii ay xilka hayeen in leeskugu yimid sagaal kulan oo galaha wadatashiga qaran ah kuwaas oo dhamaantood kasoo baxay qodobo muhiim ah oo lagu xaqiijiyay himilooyin waa wayn oo dalka lagu jiheeyay

”Waxaan rabaa inaan shacabka soomaaliyed la wadaago dhowr qodob goalaha wadatashiga qaran waxa uu so yeeshay intii aan xilka joognay 9 kulan kulamadaaas dhamaantood waxaa kasoo baxay go,aano muhiim oo lagu xaqiijiyay himilooyin badan oo la xariira midnimada iyo wadjirka ummada soomaaliyeed amniga iyo la dagaalanka kooxda AS Hormarinta iyo dib uhabaynta dhaqaalaha kor qaadista adeega blshada si loo xaqiijiyo soomaaliyada cusub”

Xamse cabdi barre ayaa sheegay in shirka hada loo fadhiyo uu yahay midkii 10-aad ee xukuumadiisa qabato sidoo kale waxa uu sheegay in uu wali socdo shirkii golaha wadatashiga qaran madaxdane ay wadatashiyo ku maqanyihiin maadama qodobo muhiim ah ay ku jiraan ajendaha shirka ugu dambayna war-murtiyeed laga soo saari dono qodobada kasoo baxaa shirka

” Waxaan rabaa inaan halkaan ka cadeeyo shirkaasi wali waaa socda madaxda kasoo qayb gashay shirka waxayku jiraan la tashiyo la xaroora qodobada qaarkood oo muhiim ah marka ay la tashiyadaas dhamaadaane waxaa lasoo saari doonaa go,aamo iyo war-murtiyeed”
Hadalka raiisul wasaraha ayaa kusoo aadaya iyadoo saacadihii ugu dambeeyay leesla dhaxmaraayay inuu fashilmay shirkii golaha wadatashiga qaran

Sidoo kale waxaa shirka maalinimadii shalay iskaga baxay madaxwaynaha maamulka jubbaland Ahmed Mohamed Islaam {Ahmed Madoobe } dibna ugu laabtay magaalada kismaayo

Lama oga sida ay dhqan gal ku noqon doonaan qadobada kasoo baxa shirkaas iyadoo maamulada Jubbaland Puntland iyo SCC Qaatumo aysan qayb ka ahayn shirka

WARARKA