Tuesday, October 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Maxaa Ka Jiro in Soogalooti Afrikaan ah aay ku dayacanyihiin Dalka Lubnaan?

Talaado 8-Oct-2024 {HMC} Magaalada Beyruut oo inta badan ay isaga baxeen Dadkii degenaa kaddib markii Ciidanka Yuhuudda ay duqeymo arxan-darro ah halkaas ka geysteen waxaa soo baxaya warar sheegaya in ay halkaas ku dayacan yihiin Soogalooti Afrikaan ah.

Dadkaan soogalootiga ah waxa ay tiradoodu u dhaxeyaa 175,000 ilaa 200,000 oo ruux kuwaas oo shaqooyin kala duwan ka qabanayay Dalkaas, qaarkood ayaa xitaa carruur ku dhalatay sida lagu muujiyay Warbixintaan laga qoray.

Soogalootigaan 75% waxa ay dhalashadoodu tahay Dalka Itoobiya, waxa ay naftooda kala baxsadeen colaadaha iyo dhibaatooyinka kala duwan ee dhinaca nolosha ah ee Dalkooda ka jirta balse mid ka daran tii ay ka carareen ayay la kulmeen.

Haweeney kamid ah Dadka kasoo jeeda Itoobiya ee duruudaha adag ku heysta Dalka Lubnaan gaar ahaan Magaalada Beyruut oo magaceeda lagu soo gaabiyay Soreti ayaa sheegtay in xaaladdii ugu adkeyd in ay ku nool yihiin.

Waxa ay sheegtay in qoysaskii ay ku shaqeynayeen ama ay deriska ahaayeen ay u barakaceen guryaha ehelkooda balse iyagu aanay jirin cid u degen meel ka baxsan Beyruut oo ay maciin bidaan si ay naftooda uga badbaadiyaan duqeynta culus ee socota.

“Qof weliba oo kamid ah Dadka Beyruut waxa ay aadeen xubno kale oo ehelkooda ah, dhankeenna ma jirto meel aan aadno, waxa aan joognaa guryaha aan degen nahay oo cidlo ah oo xitaa qaarkood sanqafka iyo albaabadu ka jabeen” Ayay tiri Soreti.

Dadkaan Soogalootiga ah ayaa sheegay in dhibaato dhanka dhaqaalaha ay ka jirto Dalkaas tan iyo sanadkii 2020kii kaddib markii dab uu qabsaday dab ka dhashay ammonium nitrate oo gubay Dekedda Beyruut, halkaas waxaa ka dhashay khasaara gaaraya $15 Bilyan oo doollar.

WARARKA