Wednesday, October 9, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

135-gantaal oo lagu garaacay Israa’iil

Talaado 8 Oct, 2024 {HMC} Militariga Israa’iil ayaa sheegay in Xisbullah ay illaa 135 gantaal ku garaacday xadka Lubnaan.

Xisbullah waxa ay sheegeen inay billaabeen ololahaan iyaga oo garabsanaya falastiiniyiinta ku sugan marinka Qasa, waxa ayna sheegeen inay sii wadayaan howlgallada iyo duqeymaha inta dagaalka uu ka joogsanayo.

Tan iyo 8-dii Octoobar sanadkii 2023, waxaa maalin walba xudduuda u dhaxeysa Israa’iil iyo Lubnaan ka dhacayay rasaas, xilligaas oo ku beegnayd maalin kadib weerarkii Xamaas ay ku qaadeen Israa’iil, kaas oo lagu tilmaamay mid aan horay loo arag.

Weerarkaas oo maanta laga joogo sanad ayaa dhaliyay dagaal ay ku dhinteen dad aad u badan sidoo kalena dhaliyay in bariga dhexe lagu tilmaamo meel ammaankeedu faraha ka sii baxayo.

WARARKA