Monday, October 7, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Warrakii ugu dambeeyay ee shirka Golaha wadatashiga qaran.

Isniin 7-Oct-2024 {HMC} Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ugu dambeyn isaga baxay shirka golaha wadatashiga qaran ee ka socday magaalada Muqdisho, kaas oo u dhexeeyay dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa warbaahinta u sheegay in Axmed Madoobe uu qaatay go’aan ah inuu dib ugu laabto magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland, ayada oo weli aan lasoo saarin war-murtiyeedka shirka golaha wadatashiga qaran.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in goordhow Axmed Madoobe ka duuli doono garoonka Aadan Cadde, waxaana la filayaa in shir jaraa’id uu ku qabto magaalada Kismaayo, isaga oo faah-faahin doono arrimo xasaasiga ah ee la’isku mari waayay.

Axmed Madoobe ayaa si cad u diiday in dowlad goboleedyada loo sameeyo hal sano oo muddo kororsi ah, kadibna la qabto doorashooyin qof iyo cod ah bisha November ee sanadka 2025-ka.

Sidoo kale wuxuu ka fuqi diiday doorasho dadban, isagoo soo jeediyey in sanadkaan dowlad goboleedyada loo madax-baneeyo doorashooyinka, maadaama aan horay looga heshiin, muddo kororsina uu abuuri karo qalalaase siyaasadeed.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa xujo ka dhigay in arrinta doorashada go’aan looga gaaro shir ay goobjoog ka yihiin madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Khaatumo, si beesha Daarood ay door ugu yeelato miiska go’aanka looga gaarayo masiirka dalka.

Tagista madaxweynaha Jubbaland iyo go’aankiisa diidmada ayaa muunineyso inuu fashilmay shirkii golaha wadatashiga qaranka oo shantii maalmood ee lasoo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho, maadaama aan laga soo saarin go’aanno ama war murtiyeed ku aadan waxyaabaha lagu heshiiyay.

WARARKA