Monday, October 7, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo kulan la qaatay agaasimaha ururka heeganka Barriga Africa.

Isniin 7-Oct-2024 {HMC} Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa kulan muhiim ah layeeshay agaasimaha ururka heeganka Barriga Africa Paul Kahuria Njema, oo safar shaqo ku yimid magaalada Muqdisho.

Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxudiin iyo Paul Kahuria ayaa kulanka ay yeesheen waxa ay kaga wada hadleen Amniga gobolka, Qatarta Argagixisada iyo arrimo kale, waxa ay sidoo kale isla soo qaateen suidii ay dhinacyo badan ay isaga kaashan lahaayeen.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxudiin, ayaa agaasimaha ururka heeganka Barriga Africa, kala hadlay sidii ay gacan uga geysan lahaayeen dhismaha iyo qalabeynta ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhinacyo badan ka hesha taageero dhinaca ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, waxaana ciidanka hadda loo diyaarinayaa sidii ay ula wareegi lahaayeen guud ahaan amniga dalka , si meesha looga saaro ciidanka nabad ilaalinta u jooga dalka.

WARARKA