Monday, October 7, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Mucaaradka Soomaaliya oo digniino adag kasoo saaray qorshaha ay wado Villa Soomaliya.

Isniin 7-Oct-2024 {HMC} Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo si wadajir usoo saaray warsaxaafadeed ayaa ka hadlay arrimo ku aadan shirka golaha wadatashiga qaran, ayaga oo ka digay in lagu dhawaaqo muddo kororsi horleh oo dalka ka abuuri xaalad jahwareer ah oo siyaasadeeed.

Saddexdan siyaasi oo si weyn uga soo horjeedo qorshaha Villa Soomaaliya ayaa madaxweyne Xasan uga digay inuu ku dhowaaqo muddo kororsi, waxayna shaaciyeen in aanay marnaba aqbali doonin.

Sidoo kale waxa ay ku eedeeyeen madaxweynaha inuu ku marmar siyoonayo doorasho qof iyo cod ah, balse ujeedkiisa uu yahay muddo kororsi oo kaliya

“Waxaan ummadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka u caddaynaynaa in aanan marnaba aqbali doonin muddo-kororsi aan shalay ka diidnay Madaxweynihii hore, waddo kasta oo sharci ahna ku hor istaagi doonno damaca uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku hoosaasinayo shacabka, isaga oo adeegsanaya kalimad xaq ah oo ah doorasho qof iyo cod ah, laakiin uu ku doonayo baadil ah muddo-kororsi, taasoo ah taatiko uu ku soo hungoobay Madaxweynihii uga horeeyay xukunka, isaguna hore noola diiddanaa” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxa ay Shariif Sheekh Axmed, Xassan Cali Kheyre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur boggaadiyeen talaabada uu qaadat madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, kuna diiday qorshaha muddo kororsi.

Waxaa kale oo ay ugu baaqeen Laftagareen, QoorQoor iyo Cali Guudlaawe in ay ka fiirsadaan tallaabada ay qaadayaan, si aysan qayb uga noqon muddo kororsiga.

Arrintan kusoo aadeyso, xilli xasaasi ah isla markaana kaga war sugayo go’aanka golaha wadatashiga qaranka oo shantii maalmood ee lasoo dhaafay shir kulahaa magaalada Muqdisho, kaas oo uu ajendihiisa ugu wayn uu ahaa doorashooyinka dalka.

WARARKA