Monday, October 7, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Madaalo oo Ka Qeyb Galay Qorshaha Biyo Mareenada Magaalada Muqdisho.

Isniin 7-Oct-2024 {HMC} Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qeyb-galay Munaasabad lagu soo bandhigaayay wejiga 1-aad ee daraasada Naqshadeynta Biyo Mareenada Magaalada Muqdisho.

Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay daraasad guud oo laga soo sameeyay Biyo Mareenada Magaalada (Mogadishu Trank Drainage Master Plan) daraasadaasi oo lagu soo bandhigay qorshe faah-faahsan oo sawir buuxa ka bixinaaya biyo qabadyada Magaalada Muqdisho iyo Wax-qabadka howleedka ka dhalanaya qaabka loo kala horumarinayo sameynta naqshadaha biyo mareenada magaalada iyo dhaqan gelinteeda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo munaasabadda ka hadlay ayaa aad ugu nuux nuuxsaday ahmiyadda ay Magaalada Muqdisho u leedahay in xal waara loo helo maareynta biyo-mareenada, taasi oo hortebin u leh madaxda qaranka.

WARARKA