Monday, October 7, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Axmad Madoowe oo Dib Ugu Laabtay Kismaayo

Isniin 7-Oct-2024 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubaland.

Madaxweyne ku xigeenka labaad Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud, gudoonka Baarlamaanka, xubno katirsan hay’adaha kala duwan ee Dowladda iyo dadweyne kala duwan ayaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee Magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa isaga oo careysan isaga tagay magaalada Muqdisho uu maalmahan u joogay ka qeyb galka shirka Golaha Wadatashiga Qaran, waxaana la sheegay in Axmed Madoobe ka biyo diiday qodobada qaar ee shirka lagu go’aamin lahaa, taa oo keentay in shirka fashil kusoo dhammaado.

Madaxweynaha Jubbaland ayaana diiday in muddo kordhin kale oo hal sanno ah loo sameeyo madaxda dowlad goboleedyada, waxa uu sidoo kale golaha ugu baaqay in aan go’aanno masiiri ah la gaarin iyada oo Puntland shirka bannaanka ka joogto.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo la filayay in laga soo saaro war-murtiyeed lana soo gabagabeeyo ayaan jirin ilaa hadda wax war ah oo laga soo saaray, waxaana shirkan u muuqdaa mid fashil kusoo dhammaaday ayna niyad jab ka qaadeen Villa Soomaaliya.

Madaxda kale ee maamulada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle , ayaa dhammaantood raali ka ah in muddo kordhin hal sanno ah loo sameeyo, waxa ay sidoo kale masuuliyiintan raali ka yihiin qodobo badan ay rabto Villa Soomaaliya, hasa ahaatee Axmed Madoobe ayaa iska diiday qodobadaasi.

 

WARARKA