Sunday, October 6, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Maxeey Ka Wada Hadleen Madaale iyo Amb Khadiija Mohamed Al-makhzoumi?

Axad 6 Oct, 2024 {HMC} Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimillada XFS Amb Khadiija Mohamed Al-makhzoumi iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada XFS ayaa warbixin ka siisay Duqa Magaalada Muqdisho halka uu marayo dhaqan gelinta ololaha dalka looga joojiyey Bacaha halka mar la isticmaalo, dhibaatada ay deegaanka ku hayso iyo xaaladaha caafimaad darro ee ka dhasha, ayadoo dhinaca kalena ay ka mahad celisay sida maamulka gobolka Banaadir kaalintooda uu u qaatay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa bogaadiyay dadaallada ay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimillada Soomaaliya ku joojisay Bacaha halka mar la isticmaalo, taasi oo dhibaato weyn ku heysa Caafimaadka, Deegaanka iyo Bilicda Caasimadda waxaana uu Guddoomiye Madaale ballan qaaday in Dowladda Hoose ee Xamar ay si buuxda ula shaqeyneyso Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimillada Soomaaliya.

 

WARARKA