Sunday, October 6, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Soomaaliya oo ku dhawaaqday go’aan culus oo ka dhan ah Itoobiya.

Sabti 5 Oct 2024 {HMC} Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo maanta shir jaraa’id ku qatay xafiiskiisa ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xiisadda diblumaasiyadeed ee Soomaaliya kala dhexeyso Itoobiya.

Wasiirka ayaa ku dhawaaqay go’aan culus oo ka dhan ah Itoobiya, wuxuuna sheegay in aysan ciidamadeeda qeyb ka noqon doonin howlgalka cusub AUSSOM, haddii aysan ka noqon heshiiska ay la gashay maamulka Somaliland.

Jaamac ayaa sidoo kale sheegay in howlgalka cusub uu dhawaan bilaaban doono, isla markaana uu beddali doono howlgalka ATMIS oo muddo dheer ka socday Soomaaliya.

“Howgalgalka cusub ee AUSSOM dhowaan ayuu billaabanaya wuxuuna badali doona ATMIS, Itoobiya kama mid noqon doonto haddii aysan ka laaban heshiis beenaadka ay la gashay Maamulka Somaliland” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray haddii ay dowladda Soomaaliya ku dhawaaqdo inay dalka ka baxaan ciidamadaas oo ay ka horyimaadaan go’aanka Soomaaliya uu noqon doono ciidan gumysi ku qabsaday gudaha dalka, kadibna ay furan tahay in lala dagaalo.

“Itoobiya subaxa dowladda Soomaaliya ku dhawaaqdo in ay dhaqaajiso way dhaqaajineesa wixii intaa ka badan waa ciidan cumeysi oo dalka qabsaday oo in lala dagaalamo u baahan” ayuu mar kale yiri wasiirku.

Hadalkan waxaa ka horreeyay mid kale oo uu dhawaan ka dhawaajiyay madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in ciidamada Itoobiya ay xoog ku qabsadeen garoomada gobolka Gedo iyo waddooyin muhiim ah oo ku yaalla gobolkaasi oo dhaca koonfurta dalka Soomaalitya.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa horay u diyaarsatay beddalka Itoobiya, waxayna dhawaan heshiis la gashay Masar oo sidoo kale 10 kun oo askari usoo diri doonta Soomaaliya.

WARARKA