Saturday, October 5, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Maxaa Ka Jiri in Ruushka Iran gaarsiiyey nidaamkiisa difaaca hawada ee S-400

Sabti 5 Oct 2024 {HMC} Ruushka ayaa lagu warramayaa inuu gaarsiiyay Iran nidaamkiisa difaaca hawada ee S-400, xilli ay Iran isku diyaarinayso weerarro uga imaan kara dhinaca Israa’iil iyo Mareykanka.

Labada dal Ruushka iyo Iran midkoodna kama hadlin qorshaha Tehran lagu gaarsiiyay nidaamkan difaac ee Ruushka uu soo saaro.

Israa’iil ayaa sheegtay inay isku diyaarinayso weerar culus oo ay ku qaadayso Iran, iyagoo rajo ka qaba dalalka xulafada la ah inay ka qeyb qaataan weerarkan, kuwaasoo yeelanaya door wada shaqeyn, sida ay Al Jazeera ka soo xigatay raadiyaha ciidanka Israa’iil.

Israa’iil si ay u weerarto Iran, waa inay adeegsataa hawada waddamada Carabta, kuwaasoo qaarkood gaar ahaanna dalalka khaliijka ee ay ku yaalaan saldhigyada ciidanka Mareykanka ay u ballanqaadeen Iran inay si dhexdhexaad ah u dhaqmayaan, taasi ma cadda haddii ay ula jeedaan inaysan oggolaan doonin in hawadooda loo adeegsado weerar ka dhan ah Iran , tan haddii ay sameeyaan waxay caqabad weyn ku noqonaysa Israa’iil.

24kii saac ee u dambeysay telefishinnada Israa’iil oo uu ku jiro Channel 12, waxay ka hadlayaan iyagoo keenaya khubaradooda militari nooca weerarrada ay Israa’iil ku qaadayso Iran, si ay uga jawaabto weerarkii gantaallada, waxay sheegayaan inay ku jiraan xaalad xun, waayo uma hayaan jawaab illaa heer intee ah ayay u diyaar garowday Iran waji kale oo dagaal

Israel waxaa maskaxdeeda ku wareegaya Su’aalo ay ka mid yihiin wixii ka dambeeyay dilkii Haniyeh maxay qabatay Iran? illaa ay ku dhiirratay inay weerar gantaallo guuxooda ka dheereeya ku weerarto Israa’iil

Iran wey xisaabisay ka hor weerarka inay la kulmi karto jawaab gaarsiisa khasaare oo ay ka qeyb qaadan karaan xulafada Israa’iil oo Mareykanka u horreeyo

Wasiirka Arrimaha dibadda Iran, Abbas Araghchi wuxuu ka sheegay Dimishiq inaysan Israa’iil garaneyn luuqad aan ahayn xabbad, taana ay doonayaan inay kula hadlaan

Arrimahan waxay cadeynayaan in Israa’iil ay ku jirto kala doorasho ah inay qaado jawaab sharafeed ama inay isku diyaarisaa dagaal weyn,

WARARKA