Sunday, October 6, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Madaxwayne xasan oo ka baaqday safaro muhiim u ah amniga dalka kadib markii…

Sabti 5 Oct 2024 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka baaqday safarro muhiim ah oo dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya uu qorsheynayey inuu ku tago.

Dalalka Uganda iyo Burundi ayuu qorshuhuu ahaa in Xasan Sheekh uu ku tago safar muhiim ah, si looga tashado howlgalka gabagabada ah ee ATMIS iyo mar xaladda kala guurka ah ee amniga Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa u baaqday shirka golaha wadatashiga qaran ee weli Muqdisho ka socda, kaas oo natiijo rasmi ah aan laga gaarin ilaa hadda.

Sida ay ogaatay warbaahinta safarada uu ka baaqday Xasan Sheekh waa kuwo muhiim u ah amniga qaranka iyo marxaladda kala guurka ah ee howlgalka ATMIS iyo kan bedelaya.

Howlgalka ATMIS ayaa ku eg dhamaadka sanadkaan, waxaana muhiim ah waqtigaas inta aan la gaarin in la dedejiyo diyaarinta howlgalkii bedeli lahaa ATMIS, kaas oo talo iyo tusaaleyn buuxda ay ku leeyihiin wadamada ka qeyb geleya.

Afartii maalmood ee lasoo dhaafay shir aan loo kala kicin ayaa madaxda Soomaalida uga socday magaalada Muqdisho, kaas oo ilaa hadda aan laga gaarin wax natiijo ah, sidoo kale shirkaan wuxuu saameeyey safaradii qorsheysnaa ee Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tegi lahaa dalalka Uganda iyo Burundi.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa la sheegay in qodobada qaar ee miiska lasoo saaray uu diiday, sida in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah, wuxuuna ku doodayaa in doorasho dadban la aado, maadaama uusan harin waqti lagu diyaariyo doorasho dadweyne.

WARARKA