Saturday, October 5, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Doowladda Soomaaliya oo War Kasoo Saartay Hoowl Galo Ka Dhacay Galgaduud

Sabti 5 Oct 2024 {HMC} “ku dhowaad 50 xubnood oo ka tirsan AS ayaa lagu dilay hawlgallo bartilmaameed ah oo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya geesiyaasha dadka deegaanka iyo saaxiibbada caalamka ay ka fuliyeen deegaanno hoostaga degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.Ciidamada Qalabka Sida iyo saaxiibbada caalamka ayaa beegsaday hawdka u dhaxeeya deegaannada Bidda Ciise iyo Geriile ee degmada Ceeldheer, halkaas oo ay isku aruursanayeen Xubna Ka Tirsan AS , waxaana halkaas lagu laayay AS badan iyadoo dhanka kale la baabi’iyay fariisinkii AS isku aruursanayeen.

Sidoo kale inta uu howlgalka socday waxaa la burburiyay gaari nooca Soomaalidu u taqaan Layla Calaawi kaas oo cadowgu ay ku diyaariyeen qaraxyo ay u qorsheeyeen in ay ku dhibaateeyaan shacabka, laakiin Ciidamada Qaranka ayaa ku guulaystay in ay cadowga ku halaagaan dhagartii ay maleegayeen.

Dhanka kale Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ayaa hawlgallo qorshaysan oo sifayn ah ka sameeyay deegaannada Xuseen Cagay iyo Cali Yabaal waxaana ciidanku ay ku guulaysteen in ay burburiyaan goobo ay ku dhuumaalaysanayeen Khawaarijta.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabka iyo saaxiibbada caalamka ayaa labo jibaartay howlgallada ka dhanka ah AS, waxaana dowladda ka go’an ciribtirka cadowgaan ku soo duulay waddankeenna “. Ayaa Lagu Yiri Qolaal Kasoo Baxay DFS

WARARKA