Saturday, October 5, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

SSC Khaatumo oo war soo saartay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee kasocda muqdisho.

Jimco 04 Oct 2024 {HMC} War-saxaafadeed garnaqsi ah oo uu soo saaray hoggaamiyaha Maamulka SSC Khaatumo ayaa farriin loogu diray Golaha Wadatashiga Qaranka oo Muqdisho ku shiraya, waxaana si guud looga codsaday in SSC ay metelaad ku yeelato shirkaas oo madaxda lagu casuumayo ay kamid noqdaan.

Qoraalka Khaatumo waxaa lagu sheegay golahaan uu go’aan ka gaaro masiirka umadda Soomaaliyeed, ayaguna ay yihiin maamul la aqoonsaday oo dowladda federaalka hoos taga, sidaas darteedna ay doonayaan metelaad iyo inay go’aanka lagu gaarayo miiskaan wax ku yeeshaan.

Hoos ka akhriso qoraalka SSC oo dhameystiran:

Maamulka SSC Khaatumo isaga oo tixraacaya go’aankii 6-da February 2023 ee ay dadka SSC- Khaatumo ku gaadheen dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo oo ah maamul goboleed ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Maamulka SSC Khaatumo isaga oo tixraacaya go’aankii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee soo baxay 19 Oktoober 2023, ee ayiddida go’aanka bulshada SSC-Khaatumo ee dhismaha Maamulka, iyo Aqoonsiga Maamul KMG ah ee SSC Khaatumo.

Si waafaqsan Qodobada Dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Cutubka 5-aad, qodobadiisa 48-aad 49-aad, iyo 50-aad.

Maamulka SSC-Khaatumo waxa uu si rasmi ah ugu gudbiyay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud iyo dhammaan Xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran codsiga Maamulka SSC-Khaatumo ee ka qaybgalka Shirarka Golaha Wadatashiga Qaran.

Golaha Wadatashiga Qaran oo ah madal looga wadatashado arrimaha Siyaasadda, Dhaqaalaha, Amniga iyo Bulshada inta aan loo gudbin goleyaasha dowliga ah waa madal ka qayb galkeedu ku dhisanyahay matalaad Dawladda Federaalka Soomaaliya, Maamullada xubnaha ka ah DFS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Hadaba, Maamulka SSC-Khaatumo waxa uu caddeynayaa:

1. In aan marna la aqbali karin in midnimo iyo wadajir la doono, matalaadda dad iyo deegaan baaxad lehna aysan qayb ka ahayn aayo katashiga arrimaha masiiriga ah ee taabanaya dowlad-dhiska Soomaaliya.

2. In SSC-Khaatumo xaq u leedahay ka qayb galka, ka tashiga iyo ka talinta arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga ee saamaynta ku leh Soomaaliya.

3. In Maamulka SSC Khaatumo xaq u leeyahay mashaariicda horumarineed iyo kabka miisaaniyadeed ee heerarka iskaashiga Dowladda Federaalka iyo Dowlad- goboleedyada xubnaha ka ah DFS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

SSC Khaatumo waxa ay Xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran ka rajeynaysaa in ay ka dhabeeyaan magaca iyo masuuliyadda Goluhu huwanyahay.

SSC-Khaatumo waxa ay sii laba jibaari doontaa hawlaheeda dowlad-dhiska, amniga iyo difaaca, iskutashiga, daadajinta maamulka iyo dimoqraadiyaynta.

WARARKA