Friday, October 4, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Muxuu Johnson Kala Kulmay Benjamin Netanyahu?

Jimco 04 Oct 2024 {HMC} C – Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka UK, Boris Johnson ayaa daaha ka qaaday xogta dhacdo xasaasi ah oo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Netanyahu uu kula kacay, arrintaan ayaa aad looga hadal hayaa dunida.

Waxay aheyd sannadkii 2017-kii, intii Boris Johnson uu ahaa xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka UK ayuu xafiiskiisa ku qaabbilay Netanyahu, halkaas oo kulan ay isaga warsadeen arrimo badan uu ka dhacay.

Markii kulankaasi soo dhamaaday ayuu sheegay in Netanyahu ka codsaday inuu musqushiisa adeegsado, balse qorshihiisa wuxuu ahaa in qalabka wax basaasa uu ku xiro.

Kooxdii qaabilsaneed amniga xafiiska Boris Johnson ayaa ogaatay in markii uu Netanyahu musqusha galay uu ku soo dhajiyay qalab awood u leh in wax walba oo lagu wadahadlo uu ka dhageysan karo xafiiska iyo koonihiisa.

Sidoo kale Ra’iisul wasaarihii hore ee UK oo xogtaan hadda kashifay ayaa qoraalkiisa ku sheegay in isla sannadkaas uu Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Netanyahu ayaa Aqalka Cad ee dalka Mareykanka ku xiray qalabkaas oo kale.

Boris Johnson ayaa intaas ku sii daray in dhaqanka uu ku arkay Netanyahu uu suurtagal ka dhigayo in meel kasta oo uu tago ama xafiis kasta oo uu booqdo uu ku soo xiro qalab uu kala soconayo kulamada ka dhacaya xafiisyada muhiim ka ah ee dalalka kale.

Netanyahu oo muddo dheer ahaa Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, waxaa lagu tilmaamaa nin dhagar badan oo isku daya inuu ogaado wax kasta oo dunidaan ka socda ama hoggaamiyaasha caalamka ay ku fekerayaan.

Hoggaamiyaasha ogaada in la basaasay inta badan ma sheegaan, balse Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka UK, Boris Johnson ayaa hadda kashifay xogtaan, iyadoo aan la garaneyn sababta ku kaliftay.

WARARKA