Saturday, October 5, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

MUUSE BIIXI oo ka hadlay heesaha ay qaadeen xidiga geeska ee lagu dhaliilay xukunkiisa.

Jimco 04 Oct 2024 {HMC} Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo markii ugu horeysay ka hadlay silsilad suuggaaneedka ay Xidigaha Geeska ku dhaliileen xukunkiisa ayaa ku tilmaamay “ku jees-jees ka dhan ah askarta xabsiga u galay difaaca qaranimada Somaliland.”

Muuse Biixi ayaa sheegay in cida askarta u heestay aanay ilaalinayn marnaba qaranimada Somaliland, isaga oo ku baaqay in laga feejignaado fariimaha ay faafinayaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Ninka maanta nin naftiisa dalka u huray oo xabsi ugu jira u heesayaa ma qaranimada ayuu ilaalinayaa, waxyaalaha qaarkood waa in laga foojignaadaa oo maaha siyaasad iyo tartan toona, qaranka lama taaban karo,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Kooxda hobollada Xidigaha Geeska oo haatan taageeradooda iskugu geeyay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa dhawaan soo saaray heeso silsilad ah oo ay ku dhaliilayaan xukuumada uu hoggaamiyo madaxweyne Biixi.

Kooxda ayaa si gaar ah madaxweyne Biixi ugu dhaliishay jabkii ciidamada Somaliland kasoo gaaray dagaalkii Laascaanood iyo dhulka ay Somaliland lumisay intii uu talada hayay.

Heesahaan oo si weyn u qabsaday baraha bulshada maalmihii lasoo dhaafay ayaa badankooda waxay ka siman yihiin inay muujinayaan in lagu qaldamay xulashada xisbul-xaakimka Kulmiye, islamarkaana uusan oofin ballamihii uu qaaday, taas oo dhaawac weyn gaarsiin karta ololaha uu rabo in markale lagu doorto madaxweyne Biixi.

Si kastaba, heesaha ayaa xilligaan loo arkaa kuwo kaalin weyn ku leh wax kabedelka aragtida siyaasadeed ee Soomaalida, maadaama la aaminsan yahay inay tahay habka ugu habboon ee Soomaalida ay haatan ku gudbiso aragtiyaha kala duwan.

WARARKA