Saturday, October 5, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Jabuuti oo sheegtay iney diyaar utahay wadahal ay la gasho Eritrea.

Jimco 04 Oct 2024 {HMC} Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay dib u soo celiso xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay kala dhaxeeyay dalka Eritrea oo ay deris yihiin, Jabuuti iyo Eritrea ayaa mar hore ku kala tegay dagaal al dhashay soohdinta labada dal.

Wakiilka Joogtada ah ee Jabuuti ee Qaramada Midoobay Maxamed Sayid Duule ayaa sheegay in khilaafka xuduudda ee aan la xalin ee u dhexeeya Jabuuti iyo Eritrea ay hadda diyaar u yihiin in lagu xaliyo wadahadal.

Mar uu ka hadlayey Shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Maxamed Sayid ayuu sheegay in Jabuuti ay dooneyso inay ogaato meesha ay joogaan askarteeda oo Eritrea ay maxaabiis ahaan u qabsatay intii lagu jiray dagaalkii dhexmaray labada dal.

“Masuuliyadda askarteenna maqan waa wax ku weyn qalbiyadeenna, qoysaskoodu waxay u baahan yihiin inay ogaadaan hal arrin, waana nolol iyo geeri halka ay ku dambeeyaan askarteenii,” ayuu yiri Wakiilka Joogtada ah ee Jabuuti ee Qaramada Midoobay Maxamed Sayid Duule.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Jabuuti waxay diyaar u tahay inay dib u soo celiso xiriirkeeda Eritrea, sidoo kale waxay diyaar u tahay in khilaafkaan la xaliyo, iyadoo loo marayo wadahadal, sida waafaqsan sharciga caalamiga ah.”

Majirto jawaab ka timid Eritrea oo ku saabsan codsiga Jamhuuriyadda Jabuuti, balse waxaa suurtagal ah in markaan ay soo jawaabto Eritrea, maadaama hoggaamiyaha dalkaas uu hadda isisoo furfurayo oo muhiimdan uu siinayo la macaamilka dunidii go’doomisay 30 sano ka hor.

Sanadkii 2008-dii ayuu qarxay khilaafka ugu dambeyntii lagu kala tegay ee salka ku haya xuduudda Jabuuti iyo Eritrea, wuxuuna khilaafkan sababay dagaal milatari oo lagu hoobtay, wixii intaas ka dambeeyana ma jirin habayaraatee wax cilaaqaad ah oo labada dowladood ay yeesheen.

Sanado ka hor dowladda Eritrea waxay sheegtay in aysan jirin ciidamo Jabuutiyaan ah oo maxaabiis ahaan ay u heystaan, iyadoo arrinta maxaabiista ku macneyaay dibindaabyo ay reer Galbeedku wadaan, halka Jabuuti ay marar badan ku celcelisay in Eritrea ay nolosha ku qabatay askar badan oo nolol ay ku tuhmeyso iyo inay xabsiyada Eritrea ku jiraan.

Dowladaha Itoobiya iyo Sacuudiga ayaa sanadkii 2018-kii isku dayey inay xaliyaan khilaafka labada dalka ee Jabuuti iyo Eritrea, labada Madaxweyne ee Isayas Afewerki iyo dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa lagu kulansiiyey magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga, balse lama gaarin heshiis rasmi ah.

Wuxuu noqday kulan taariikhi ah oo sababay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea Cusmaan Saalax uu booqday Jabuuti, isagoo xiligaas la kulmay masuuliyiintii Jabuuti.

Dowladda Jabuuti ayaa shirkii Qaramada Midoobey ee July 2018 ka jeesiday codsi nabadeed oo ay dooneyso in lagu xaliyo khilaafka kala dhexeeya Eritrea, safiirkii Jabuuti ee Qaramada Midoobay ayaa u qoray Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres “Waxaan rabaa inaan ku xaqiijiyo inaan diyaar u nahay inaan aqbalno xal nabadeed oo kasta oo Golaha Ammaanka ee QM uu soo jeediyo, si loo soo afjaro khilaafka Jabuuti iyo Eritrea.”

WARARKA