Friday, October 4, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Howlgallo ka dhan ah ‘AS’ oo Ka Socda Gobolka Jubada Hoose

Jimco 04 Oct 2024 {HMC} Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska DANAB oo kaashanaya Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa howlgallo ka dhan ah ‘AS’ ka sameeyay deegaanno katirsan Gobolka Jubada Hoose.

Ciidanka ayaa inta ay howlgallada wadeen waxa ay ku gaareen deegaanno katirsan Gobolka Jubada Hoose kuwaas oo intooda badan dhaca duleedka Janaay Cabdalla, waxaa ay la kulmeen iska hor imaad muddo kooban socday.

Saraakiil katirsan Hay’adaha ammaanka Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in ay ku guuleysteen inta howlgallada ay socdeen soo saarista Miinooyin ‘AS’ ay ku aaseen waddooyinka ay marayeen Gaadiidka Ciidanka iyo kuwa Shacabka.

Deegaanka Janaay Cabdalla waxaa ka socda abaabulka howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ Waxaa si wadajir ah u wada Ciidanka Federaalka iyo kuwa Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland oo gacanta ku haya Xeryihii ay kala wareegeen Ciidanka ATMIS.

WARARKA