Friday, October 4, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Ciidamada Itoobiya oo bilaabay Howlgal ka dhan ah Jabhada Amxaarada.

Jimco 04 Oct 2024 {HMC} Ciidamada Itoobiya ayaa sheegay in ay bilaabeen howlgalo balaaran oo ka dhan ah kooxaha fano ee gobolka Axmaarada, iyadoo ay wali socoto colaada, inkastoo ay ku baaqeen ururada xuquuqul insaanka iyo saaxiibada caalamiga ah in xal nabadeed laga gaaro.

Afhayeenka ciidamada Colonel Getnet Adane ayaa Talaadadii sheegay in ciidamada difaaca qaranka ee Itoobiya, ama ENDF, oo kaashanaya ciidamada amaanka ee gobolka, ay bilaabeen hawlgal milatari. Wuxuu ku andacoodey baaqyada nabadeed ee sii socda inay “ku dhaceen dhego-la’aan.”

“Luqadda kaliya ee ay [kooxaha fallaagada hubaysan] fahmaan waa xoog. Hadda wixii ka dambeeya waxaan kula hadli doonnaa luqaddaas,” ayuu yiri Getnet.

“Si ay nabaddu u hirgasho waxay u baahan yihiin in si xoog ah loola kulmo. Waa in la beegsadaa, la garaacaa.”

Waxa uu tilmaamay in howlgalku uu billowday dabayaaqadii todobaadkii hore.

Mas’uuliyiinta dowladda federaalka iyo kuwa gobolka ayaa sheegay in sidoo kale la qaadayo tillaabooyin ka dhan ah dadka lagu tuhmayo in ay taageersan yihiin jabhadda oo ay ku jiraan xubno ganacsato ah.

Ku dhawaaqista hawlgalka ayaa timid maalintii hay’adda xuquuqul insaanka ee Amnesty International ay ku eedaysay ciidamada Itoobiya inay “xabbisyo sharci darro ah” ka wadaan gobolka Axmaarada.

Agaasimaha gobolka ee Amnesty ee Bariga iyo Koonfurta Afrika, Tigere Chagutah, ayaa ku eedeeyay in boqolaal lagu xiray, oo ay ku jiraan xubno ka tirsan bulshada  magaalooyinka waaweyn ee gobolka Axmaarada tan iyo Sebteembar 28.

“Ciidanka Itoobiya iyo booliiska ayaa olole ay ku hayaan dad badan oo aan sharciga waafaqsanayn ka wadaan gobolka Axmaarada ayaa weli ah caddayn dheeraad ah oo muujinaysa sida ay dawladu u xaqirayso sharciga,” ayuu agaasimuhu ku yidhi hadal uu soo saaray.

“Goobjoogayaal ayaa sheegay in mas’uuliyiintu ay la yimaadeen ‘liiska’ oo ay ku guuldareysteen inay helaan warqado lagu xirayo iyo baaritaan ka hor inta aysan xirin boqolaal rayid ah oo ku nool gobolka. Dadka la xidh-xidhay inta badan 48 saacadood gudahood laguma horkeenin Maxkamad, sida uu dhigayo shuruucda qaranka iyo dastuurka dalka.”

Amnesty waxay ku boorisay mas’uuliyiinta “inay si degdeg ah u joojiyaan xariga aan sharciga ahayn, oo ay ku soo oogaan eedeymaha ka dhanka ah kuwa loo haysto dambiyada caalamiga ah oo ay raacaan nidaamka sharciga ah, ama ay sii daayaan iyada oo aan dib u dhac kale dhicin.”

Waxaa la joogaa waqtigii ay mas’uuliyiintu joojin lahaayeen xarigga sharci-darrada ah oo ay u adeegsadaan qalab lagu caburinayo, ayaa lagu yiri bayaanka.

Dagaalada ka socda gobolka Axmaarada ayaa socdo in ka badan sanad ka hor iyadoo la isku khilaafay hub ka dhigis lagu sameeyay ciidamada deegaanka da ah ee gobolka.

 

WARARKA