Thursday, October 3, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo ku Baxay Isbaarooyin Farabadan oo Gobolka Hiiraan yaalla.

Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan ayaa Manta ku Baxay ku dhawaad 30 Isbaaro oo La dhigay inta udhaxeeyso Baladweyne iyo Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, Waxaana Ugaaska la socda Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye iyo Odoyaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan.
Dhamaan Ugaaska iyo Maamulka ayaa saakay u baxay In la qaado dhamaan Isbaarooyinka, waxaana Hada ay qaadeeyn inta yaalay Baladweyne ilaaa deegaanka Ceelgaal inta udhaxeeysay Sida ay qaar kamid ah Odoyaasha la socday ay Hiiraanweyn usheegeyn.
Ugaaska ayaa soo deeyn doona ku dhawaad 200 oo Baabuur oo Raashin kala duwan Wado kuwaas oo ku Xayiran Baladweyne ilaa degmada Beergadiid inta udhaxeeyso. Gaadiidleyda ayaa Cabasho weyn ka keenay Arintan.
Gaadiidleyda Gobolka Hiiraan ayaa ku dhawaqay 17-bishan Shaqo Joojin kadib markii isbaarooyin farabadan laso dhigay Wadadan. Waxaana intaas kadib Ugaaska iyo Odoyaasha dhaqanka ay wadaan dadaalo arintan xal loogu Raadinayay.
Koontaroolo Hirshabeelle iyo Hiiraan State iyo Maleeshiyo Hubeeysan oo Isbaaro dhigatay aya ah waxaa ugu badan oo Gaadiidleeyda ka Cabanayaan.

WARARKA