Thursday, October 3, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Shan qof oo lagu dilay duqeyn ay Israa’iil ka geysatay bartamaha Lubnaan

Khamiis Oktoobar 3, 2024 {HMC} — Ugu yaraan 5 qof ayaa la dilay halka 8 kalena lagu dhaawacay duqeyn cirka ah oo ay Israa’iil ku beegsatay dhisme ku yaala bartamaha magaalada Beirut ee dalka Lubnaan, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dalkaas.

Dhismahan oo dabaqyo ka kooban oo ku yaala degmada Bashuurah ayaa waxaa ku yaala xarun caafimaad oo lala xirriirinayo kooxda Xisbullah.

Waa duuqeyntii ugu horeysay ee ay Israa’iil ka geysato meel u dhow bartamaha Beirut, oo dhowr miitir u jirta baarlamanka Lubnaan.

Tani ayaa imaaneysa kadib markii miletariga Israa’iil ay sheegen in sideed askari lagu dilay koonfurta waddanka Lubnaan, waxayna sheegeen inay tahay guul-daradoodii ugu horreysay tan iyo markii uu bilowday weerarka dhanka dhulka ee Israa’iil oo ka dhan ah kooxda Xisbullah.

Xisbullah ayaa sheegtay inay burburisay taangiyo ay lahaayeen ciidamada Israa’iil intii uu socday dagaalka, iyadoo ay Xisbullah ku adkeysatay inay leedahay rag iyo hub dib u riixa ciidamada Israa’iil.

WARARKA