Wednesday, October 2, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Wararki ugu danbeeyay ee duqeynta Iran ay la beegsatay Isra’il

Arbaco 2 Oct 2024 {HMC} Kaddib marki ay ilaa 180 gantaal xalay ku ridday Isra’il, ayay Iran aroornimadi hore ee Arbacada maanta sheegtay in ay soo gaba gabeysay weerarkaasi dhinaca cirka ee ay ku qaadday Isra’il.

Holaca ka baxaya madaafiicda laga soo riday Iran ayaa ifiyay hawada guud ahaan Isra’il, iyada oo la maqlayay seeriga digniinta madaafiicda, halka dadka rayidka ah ay u kala ordayeen guryaha looga gabbado madaafiicda culus.

Isra’il iyo Mareykanka ayaa labaduba wacad ku maray in Iran ay ka shallay doonto duqeymihi ay xalay ku bartilmaameedsatay Iran. Ilaa iyo hadda lama soo warin khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo ay gantaallaha Iran ka geysteen gudaha Isra’il.

Millatariga Isra’il ayaa sheegay in ay ka hor tageen inta badan madaafiica. Iran ayaa sheegtay in ay bartilmaameedsatay qaar ka mid ah saldhigyada millatari ee Isra’il.

Warkan oo faah-faahsan goor dhaw ayaan idiin soo gudbin doonnaa.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay, in hoggaamiyeyaasha Iran ay sameeyeen “qalad weyn” markii ay weerar ballaaran oo gantaala ah ay ku qaadeen dalkiisa Talaadadii shalay, isagoo ku goodiyay inay ka shalayn doonaan.

WARARKA