Thursday, October 3, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Tirada askarta Israa’iil looga dilay Lubnaan oo korortay

Oktoobar 2, 2024 {HMC} — Milateriga Israa’iil ayaa hadda ku dhowaaqay dhimashada toddobo askari oo ka mid ah askartii ku dhimatay dagaal ka dhacay koonfurta Lubnaan.

 

Faahfaahinta ka soo baxeysa millitariga Israa’iil ayaa lagu sheegay in saddax kamid ah askarta dhimatay ay ka tirsanaayeen cutubka Egoz, oo ah kumaandooska dagaalka dhulka ee gaarka ah.

 

Cutubkaan ayaana waxaa horay uga dhintay Kabtan Eitan Yitzhak Oster, oo 22 jir ahaa kaas oo ay maanta millitariga shaaciyeen dhimashadiisa.

 

Guud ahaan askarta ay Israa’iil qiratay in looga dilay dagaalka lubnaan ayaa ah 8, tan iyo markii ay weerarka dhulka ah qaadeen.

WARARKA