Wednesday, October 2, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Shirka Wada tashiga qaran oo looga Arin sanaayo Amniga Dimuqraadiyada iyo Dagaalka AS

Muqdisho, Oktoobar 2, 2024 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta guddoomiyey Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ka furmay Madaxtooyada Qaranka ee Caasimadda Muqdisho.

Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladda amniga dalka, gaar ahaan sidii loo dardargelin lahaa dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta Al-Shabaab, dhameystirka hanaanka dimuqraadiyeynta, iyo fulinta heshiisyadii hore ee Golaha Wadatashiga Qaran. Waxaa kale oo laga wada hadli doonaa dhismaha dowladnimo iyo iskaashiga guud ee dowlad-goboleedyada iyo dowladda federaalka si loo xaqiijiyo nabadda iyo horumarka dalka.

Shirka waxaa kasoo qaybgalay Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Madaxweynaha Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Madaxweynaha Hirshabeelle, Mudaney Cali Cabdullaahi Xuseen, Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Mugadisho Yuusuf Xuseen Jimcaale.

DHAMMAAD

WARARKA