Wednesday, October 2, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Itoobiya oo hub horleh soo gelisay gudahad eegaanka Qurac-joome ee Soomaaliya

Arbaco 2 Oct 2024 {HMC} Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta hub horleh gobolkaasi ay gaystay Itoobiya, kaas oo lagu keenay gaadiidka nooca xamuulka qaada oo kasoo gudbay xadka Soomaaliya.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay arkeen illaa 4 gaari oo kasoo tallaabay dhanka xadka labada dal, isla markaana gaaray deegaanka Qurac-joome ee gobolka Bakool.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in hubka la geeyay xero ay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin duleedka deegaankaas, halkaas oo illaa iyo hadda ku sugan yihiin baabuurta.

Afarta gaari ee hubka lagu geeyay Bakool ayaa maalmahan ku sugnaa magaalada Godey, waxaana ugu dambeyn maanta lasoo geliyay gudaha Soomaaliya, iyada oo ay galbinayeen ciidamo fara badan oo Itoobiyaan ah.

Lama oga ujeedka hubkan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed Soomalaiya iyo saraakiisha ciidanka Xoogga dalka ee ku sugan halkaasi.

Horay Itoobiya ayaa hub usoo gelisay gudaha Soomaaliya, gaar ahaan dhanka Galmudug iyo Puntland oo gaadiid lagu geeyay saanad ka timid dhanka Addis Ababa, hayeeshii hubkii tegay Galmudug ayaa waxaa lagu bililiqeystay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Arrintan ayaa sii kordhineyso xiisadda haatan u dhexeyso dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiska baddda ee Abiy Axmed uu la galay maamulka Somaliland.

Xiisadda ayaa dhowaan waji cusub yeelatay, kadib markii Soomaaliya ay heshiis difaac la gashay Masar oo ay is hayaan Itoobiya, waxayna taasi keentay in maamulka Abiy uu qaado tallaabooyin kale oo dheeraad ah oo kamid ah in ciidamadiisa ay la wareegeen garoomada gobolka Gedo, sidoo kalena ay dhaq-dhaqaaq milatari ka sameeyaan gudaha Soomaaliya.

WARARKA