Tuesday, October 1, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Taliyaha Cusub ee Booliska Soomaaliya oo Xilka Lagu Wareejiyay

Talaado 01-10-2024 {HMC}  Wasiirka Amniga XFS Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa maanta kormeeray Xarunta Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, halkaas oo uu si diirran ugu soo dhoweeyay Taliyaha xilka ka dagaya ee Ciidanka Booliiska Sarreeye Gaas Sulub Axmed Firin.

Wasiirka Amniga Soomaaliya iyo taliyaha Booliiska ayaa u kuurgalay hannaanka shaqo ee hoggaannada iyo fadhiyada madaxabannaan ee ciidanka booliiska, waxa uuna wasiirka boggaadiyay shaqada ay hayaan taliska ciidanka booliiska.

Fartaag ayaa u kala wareejiyey galka guud iyo hoggaaminta shaqada Ciidanka oo uu si buuxda ula wareegey xafiiska taliska ciidanka booliiska Soomaaliyeed, taliyaha cusub ee ciidanka Boliiska S/guuto Asad Cusmaan Cabdulaahi.

Taliyaha ayaa faray saraakiisha in ay dardargeliyaan gudashada waajibaadkooda shaqo ee xaqiijinta amniga dalka, ilaalinta nafta, hantida iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo ku dhaqanka xeerarka iyo shuruucda Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

WARARKA