Tuesday, October 1, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Ra’iisul Wasaarihi Japan oo is casilay isagoona kala diray galaha wasiirada.

Talaado 01-Oct- 2024 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Japan Fumio Kishida ayaa aroornimadi hore ee Talaadada maana ah is casilay sidoo kalana kala diray golahiishii wasiirrada, tallabadaas oo waddada u xaareya in kursiga uu banneeyay uu ku fariisan doonto Shigeru Ishiba.

Xoghayaha Golaha Wasiirrada, Yoshimasa Hayashi ayaa warbaahinta u sheegay, in is casilaadda Kishida iyo dhammaan wasiirada ay kasoo baxday kulan uu saaka la yeeshay golaha wasiirrada.

Ninka la filayo in uu noqdo ra’iisul wasaaraha cusub ee Japan, Shigeru Ishiba ayaa Jimcihi loo doortay guddoomiyaha Xisbiga Liberal Democrat-ka. Sida caadada ah, qofka noqdo hoggaamiyaha xisbul xaakimka Japan, ayaa soo dhisa xukumadda soo socota.

Goor danbe oo Talaadada maanta ah ayaa lagu wadaa in xilka cusub ee Ishiba lagu xaqiijiyo cod uu u qaadi doono baarlamaanka. Golaha Baarlamaanka ayaa waxaa aqlabiyaddiisa heysta xisbiga uu madaxda u yahay. Isla Talaadada maanta ayaa lagu wadaa in Ishiba uu ku dhawaaqo golahiisa cusub ee wasiirrada.

WARARKA