Monday, September 30, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Maxaa Ka Jiro in Ciidankii Ugu horeeyay ee Israel aay galeen Koonfurta Lubnan?

Isniin 30-09-2024 {HMC}  Ciidankii u horreeyay ee Israa’iil ayaa dagaalkii 2006-dii kaddib maanta gudaha u galay koonfurta dalka Lubnaan

Saraakiisha Israel ayaa sheegay inay halkaas ka fuliyeen howlgallo xog aruurin ah illaa ay ka gaareen godod ay sheegeen inay halkaas ku leeyihiin dagaalyahannada ururka Xisbullah.

Howlgalkan ayaa la sheegay inay fuliyeen ciidan gaar ah oo ka tirsan militariga Israa’iil, kuwaasoo la sheegay inay u gogol xaarayaan howlgal ballaaran oo dhulka ah oo ay sheegeen inay ciidanka Israa’iil ku galayaan koonfurta Lubnaan.

Israel ayaa sidoo kale weeraro xiriir ah habeenimadii Axadda ka fulisay dalka Lubnaan, waxayna ku dhawaaqday inay dishay taliye kale oo sare oo ka tirsanaa Xizbullah.

Duqeymahan ayay sheegtay Israel inay uga gol-leedahay inay xaaladda ku sii adkeyso Xizbullah, oo weli u baroor diiqeysa dilkii hogaamiyahoodii Hassan Nasrallah, oo ay Israel duqeyn cirka ah ku dishay Isra’el.

WARARKA