Monday, September 30, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Doowladda Soomaliya oo Soo Bandhigtay Deeqa Waxbarasho uu Gudaha Dalka Ah

Isniin 30-09-2024 {HMC}  Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, iyada oo gudaneysa waajibka adeegga waxbarashada sare ee ay u heyso ummadda Soomaaliyeed, waxa ay usoo bandhigeysaa Deeq-Waxbarasho oo gudaha ah.

Deeqdan oo ah heerka koowaad ee waxbarashada Sare waxa loogu tala galay ardaydii qalinjabisay sannad dugsiyeedka 2022/2023 oo laga qaadan doono 100-ka arday ee ugu sarreysay iyo dufcadii 2023/2024 oo laga qaadan doono 150-ka arday ee ugu sarreysay. waxaana ku jirin ardaygii deeq-waxbarasho helay ama jaamacad iska diiwaangaliyey.Sidoo kale Wasaaradda waxa ay deeq-waxbarasho oo 70 kursi ah siineysaa ardayda u dhalatay waddamada Suudaan, Yemen iyo Suuriya ee ku nool Dalkeenna.

SHURUUDAHA LAGA DOONAYO ARDAYGA.

1. In uu haysto shahaado dugsi sare ah oo ay wasaaraddu aqoonsantahay
2. In aysan darajadiisu ka yarayn 70%
3. In uu caafimaad qabo, oo uu haysto warqad cadayn caafimaad
4. In uu haysto warqadda denbi la’aanta CID
5. In uu warqadda dhalashada iyo sugnaanta
6. In uu keeno damiin lagala xisaabtamo haddii uu waxbarashada dhamaysanwaayo.
7. In uu Damiinku saxiixo warqad ay ku caddahay in uu bixindoono qarashaadka waxbarashada haddii uu ardaygu waxbarashada ku dhaco ama uu isaga tago ama uu keeno darajo ka yar 70%
8. In uu ardaygu ka midyahay ardayda ay wasaaraddu u aqoonsatay in ay yihiin kuwa mudan in deeq la siiyo kaalinta ay galeen darted
9. In uu doorto sadex kulliyadood, oo ka mid ah kuwa ay wasaaraddu hayso.

FG. Deeqdan waxa aad dalban kartaa laga billaabi 5ta Oktoober ilaa 9ka Oktoober 2024, waxa aadna toos u tagi doonta xafiiska wasaaradda ee ku yaalla Soobe.

WARARKA