Monday, September 30, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Midowga Yurub oo Soomaaliya u balan-qaaday Sagaal Milyan oo Yuuro

Isniin 30-09-2024 {HMC} Midowga Yurub oo Soomaaliya u balan-qaaday Sagaal Milyan oo Yuuro iyo Wasiirka Maaliyadda XFS oo warbixin ka siiyey horumarka ay Dowladda Soomaaliya ka gaartay hagaajinta hannaanka Maamulka Maaliyadda iyo hufnaanta dhaqaalaha Dalka.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa shir muhiim ah waxa uu la qaatay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Ms.

Karin Johansson iyo xubno ka tirsan Xafiiskeeda, iyada oo kulanka diiradda lagu saaray arrimo badan oo ay ka mid yihiin hannaanka dib-u-habeynta iyo horumarinta Maaliyadda guud ee dalka iyo taageerada Midowga Yurub ee Dowladda Soomaaliya

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa intii uu socday shirka waxa uu warbixin guud ka bixiyay dadaalada Dowladda ee ah in la horumariyo dhaqaalaha dalka iyo sare u qaadidda dakhliga gudaha oo Wasaaradda Maaliyaddu ay dadaal iyo juhdi dheeri ah galisay, si looga mira-dhaliyo.

Sidoo kale Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa si diiran u soo dhaweysay Warbixinta Wasiirka Maaliyadda XFS ee horumarka Dowladdu ku talaabsatay dhinaca hagaajinta hannaanka Maamulka Maaliyadda iyo hufnaanta dhaqaalaha Dalka.

Ms. Karin Johansson, Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday intii uu kulanku socday in Midowga Yurub ay bixinayaan lacag dhan Sagaal Milyan oo Yuuro oo ah kabka miisaaniyadda Dowadda, lacagtaas oo ay Midowga Yurub ugu talagaleen in Dowladdu wax uga qabato 1-Horumarinta Dakhliga iyo sare u qaadiddiisa,
2- Faderaaleynta Hanaanka Maaliyadda Dalka iyo 3- Horumarinta Waxbarashada loo dhanyahay.

Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige ayaa mahadcelin kadib, waxa uu sheegay in taageerada Midowga Yurub ay tahay mid muhiim u ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay Dowladdu ku fulin doonto qorsheyaal horumarineed oo aad qiimo ugu lahaan doona hannaan ka dib-u-habeynta dhaqaalaha Dalka.

Midowga Yurub waxa ay ka mid yihiin saaxiibada joogtada ah ee Dowladda Soomaaliya marxalado badan ku soo garab istaagay, sidoo kale waxa ay qeyb muhiim ah ka soo qaateen in Dowladdu gaarto hannaankii HIPC ee barnaamijkii deyn cafinta Soomaaliya ee soo gaba-gaboobay dabayaaqadii 2023-kii.

WARARKA