Tuesday, October 1, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Turkiga oo Soomaaliya u soo dirtay Markab sida Shixnad Gargaar.

Isniin 30 Sep 2024 {HMC} Dowladda aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Turkiga ayaa Soomaaliya u soo dirtay Markab sida Shixnad Gargaar ah, kaas oo loogu talagalay dadka nugul iyo kuwa dantayar, waxana uu ku yimid dalab dhawaan hay’adda SoDMA u dirtay dalkaas.

Markabkaan ayaa shalay ka soo shareecday dakedda Turkiga, isagoo oo ay halkaas ka soo sagootiyeen madaxda iyo shaqaalaha Hay’addaha kala ah bisha cas Turkiga (Kızılay ) iyo Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Turkiga ee (AFAD).

Mucaawinadan ayaa looga talagalay in lagu taageero looguna hortago abaarta la saadaalinayo in ay dalka ka dhacdo ee LaNina oo ay dhawaan Hay’adda SoDMA ku dhawaaqday.

WARARKA