Isniin 30-09-2024 {HMC} Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa magacaabay garsoorayaasha iyo xeer-Ilaaliyayaasha maxkamadda Racfaanka iyo Maxkamadaha degmooyinka gobolka Gedo.
Wareegtada uu soo saaray Madaxweynaha Jubbaland ayuu ku magacaaby guddoomiyaha maxkamadda racfaanka ee gobolka Gedo , iyo sidoo kale guddoomiyaasha degmooyinka kala duwan ee ka kooban tahay gobolka Gedo.