Sunday, September 29, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

MD Xasan oo Sheegay In Itoobiya Qabsatay Qeeyba Ka Mid Ah Soomaaliya

Axad 29-Sep-2024 {HMC}  Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay in ay Itoobiya qabsatay qeyb kamid ah Soomaaliya sida uu ku sheegay Wareysi uu siiyey Telefashinka Al Jazeera.

Xassan Shiikh ayaa xusay in Itoobiya ay gabi ahaan la wareegtay garoomada diyaaradaha iyo wadooyinkii gobolka Gedo ee koonfurta Somalia.

Madaxweyne Xassan Shiikh ayaa sheegay inay sidaas oo kale Itoobiya ilaa markii la saxiixay Isafgaradkii ay la galeen Somaliland ay Koonfurta dalka ka qoreen oo ay hubeeyeen in ka badan 1,000 maleeshiyo ah, oo laga qoray Qabaa’ilo kale duwan, loona qeybiyey hub ay leedahay dawladda Itoobiya.

“Itoobiya kaliya ma sheeganayso waxa ku qoran MOU-ga, waxay sannado badan faragalin ku heysay arrimaha gudaha ee Soomaaliya, tan iyo markii ay Itoobiya saxiixday MOU-ga waxay hubeysay, in ka badan 1,000 maleeshiyo oo iskugu jira qabaa’ilo iyo kooxo, meel kasta Koonfurta ah maanta waxaa laga helayaa oo yaala hub ay bixisay Itoobiya, waxayna qabsatay si gaar ah gobalka Gedo garoomadii diyaaradaha ee ku yaalay, waxayna ku dooday in ay difaacayso amniga Soomaaliya, ma garanayo sharciyada iyo qaynuunka caalamiga ah ee ay Itoobiya cuskanayso” ayuu yiri Madaxweyne Xassan Sheekh.

WARARKA