Sunday, September 29, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Axmed Madoobe oo dalka ku soo laabtay iyo qorshe culus oo kasocda Magalada Kismaayo.

Axad 29-Sep-2024 {HMC} Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo dhowr jeer dib u dhacay labadii billood ee la soo dhaafay ayaa la fillayaa in horaanta bisha October uu ka dhaco magaalada Muqdisho.

Madaxda shirkaas ka meer meereysay inay ka soo qeyb galaan waxaa kamid ah Madaxweynaha Jubbaland, balse hadda waxaa la sheegay inuu qorsheystay inuu ka soo qeyb galo.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo, kadib howlo u gaar ah oo dalka dibaddiisa uga maqnaa maalmihii lasoo dhaafay.

Axmed Madoobe ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo maanta ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda iyo dadweyne kala duwan.

Maalmaha soo socda waxaa lagu wadaa in Axmed Madoobe uu yimaado Muqdisho, si shirka golaha wadatashiga qaranka uu uga qeyb galo.

Madaxda dowladda federaalka ayaa juhdi badan gelisay, welina aan ka daalin, sidii shirka la isugu keeni lahaa madaxda dowlad goboleedyada dalka.

Cabdicasiis Laftagareen ayaa kamid ah madaxda diidan inay Muqdisho yimaadaan, balse dowladda federaalka ayaa weli ku dadaaleysa xalka iyo in shirkaasi dhaco, si talo mideysan looga yeesho arrimaha masiiriga ah ee dalka.

Ajendaha ugu weyn ee shirka lagu wado in madaxda dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ay Muqdisho ku yeeshaan ayaa ah doorashooyinka iyo qaabka loo qabanayo, waxaana xusid mudan in dhamaan hoggaamiyaasha dowlad goboleedyada uu muddo xileedkii ka dhamaaday.

WARARKA