Saturday, September 28, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Wasiir Fiqi iyo Hakan Fidan oo kulan ku yeeshay magaalada New York.

Sabti 28-Sep-2024 {HMC} Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa kulan wax ku ool ah la yeeshay dhigiisa Wadanka Turkiga Hakan Fidan.

Labada masuul oo ku kulmay magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa ka wada hadlay ka miradhalinta wadahadallada Soomaaliya iyo Itoobiya oo gogoshu ay taallo Ankara.

Sidoo kale labada Wasiir ayaa ka wadahadlay xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga oo aad saaxiib u ah.

Dadaaladda lagu doonayo in xal looga gaaro xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa wajahaya caqabado horleh, ayada oo dhawaan uu fashilmay wejigii saddexaad ee wada-hadallada labada dhinac oo qorshuhu ahaa inuu ka dhaco dalka Turkiga.

Turkiga oo haatan ah dhex-dhexaadiyaha u weyn ee labada dhinac dadaal badan ku bixinaya sidii xal looga gaari lahaa xiisadda taagan ayaa illaa hadda wax natiijo ah ka gaarin isku soo jiidka Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana hadda la qorsheynayaa in la isku arko wareeg 3-aad.

Sidoo kale waxaa god kusii dhaceysa rejada wada-hadallo toos ah oo yeeshaan madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya, iyada oo dowladda Soomaaliya ay shaacisay in haatan aysan muuqan wax horseedi kara midaas, maadaama ay Itoobiya weli kasoo laaban dariiqi qaldanaa ee ay qaaday.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo arrintaan ka hadlay ayaa waxa uu yiri “Annaga nooma muuqato in Abiy Axmed inta uu kasoo jiireeyo dariiqaas qarda jeexa ah uu dowladda Soomaaliya lasoo xiriiro.”

Wasiirka ayaa sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysan is-waafaqayn in ciidamada Itoobiya ay u joogaan nabad ilaalinta Soomaaliya, halka ra’iisul wasaare Abiy uu ka shaqeynayo ku xad-gudubka qaranimada Soomaaliya.

Itoobiya ayaa weli ku dhagan is-afgaradka sharci darrada ah ee ay la gashay Somaliland, kaasi oo u gacan gelinayo qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya, halka Somaliland uga beddelaneyso aqoonsi, taas oo si weyn uga careysiisay dowladda federaalka Soomaaliya.

WARARKA