Saturday, September 28, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo xalay ka khudbeeyay Shirka Golaga Guud ee QM

Sabti 28-Sep-2024 {HMC} Raiisul wasaraha soomaaliya xamse cabdi barre ayaa shirka golaha guud ee loo dhanyahay ee qaramada midoobe waxa uu kaga hadlay sanadkaan dhibaatooyimka soomaliya soo foodsaartay iyo guulihii ay gaartay.

Waxa uuu soo hadal qaaday xiisada soomaliya kala dhaxeeysa itoobiya waxa uuna sheegay in ay muhiim tahay ineeysan soomaliya haatan indhaha ka dadan doonin xiisadaha ugu imaanaya itoobiya oo qalqal galinaya ayuu yiri jiritaanka soomaliya.

”Soomaaliya ayaa hada wajahaysa qatar xoogan oo kaga imaanayso falalkii ugu dambeeyay ee itoobiya kuwaas oo si cad ugu xadgudbaya sharafta dalkeena iyo dadkeena
iskudayga itoobiya ay ku doonayso qayb kamida soomaliya ineey ku darsato iyada oo loogu gabanayo helitaan marin biyood waa arrin sharci darro ah oo aanan loo baahneed”

Waxa uu dhanka kale raiisul wasaaruhu soo hadal qaaday in awalba itoobiya ay ufurnaayeen adeegsida dakadaha soomaaliya habka ganacsiga waxa una shegay in soomaaliya ay dadaal galinaysay iskaashiga gobolka intiisa kale balse heshiiskii dhaxmaray itoobiya iyo gobol kamid ah soomnaliya ee waqooyiga soomaliya waa mid qaldan oo halis ku ah jiritaankena qaranimo ayuu yiri xamse cabdi barre.

Intii uu kahadlaayay arimaha soomaliya ayaa raiisul wasaare xamse cabdi barre waxa uu soo hadal qaaday guulihii ay smaliya ka gaartay qaadista cunaqabatayntii hubka helida kursiga aan joogtada ahayn ee qaramada midoobe ee sanadkaan ku biiristii bulshada bariga afrika iyo dayn cafintiiba waxa uuna yiri.

”Sanadkaan ina dhaafay waxa uu aha mid si gaara muhiim innoogu ah oolagu asteyay hormaro wax u ool ah ay sooomaaliya samaysay waxa aan si gul ah udhameestirnay hanaanka deen cafinta oo noo ongolaanayo inaa si buuxda uso ceshato madax banaanideenii dhaqaale iyo inaan dib ukabis ku smayno nidaamka maaliydeed ee caalamiga ah”

Dhinaca kale waxa uu ka hadlay dagaalka bariga dhaxe iyo duqaymaha ay israel ka wado qaza waxa uuma yiri.

”Qaza xaalku waxa uu marayaa heer musiibadii ugu darneed ah waa wadan ay saarantahay xanibaad joogta ah iyo qalalaso aan kala joogsi lahayn oo abuuray musiibaduu ugu darneed ee bini aadanimo waqtigaan aynu ku jirno”

”kasokoow dilka macna darrda ah ee tobonaanka ragga ah haweenka iyo caruurta tan iyo bishii octoober ee ina dhaaftay in kabad 2 milyan oo falastiyiin ah ayaa ku jiro xabsi hawada sare ka furan”

Soomaaliya oo sanadkaan qaadan doonto kursiga aan joogtada ahayn ee qaramada midoobe ayuu raiisul wasaaraha sheegay in lagaaray waqtigii ay soomaliya uhadli laheed caalamka intiisa kale.

WARARKA