Saturday, September 28, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Faahfaahino Kasoo Baxayo Qarax xooggan oo goordhaw ka dhacay magaalada Jowhar

Sabti 28-Sep-2024 {HMC}  Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle, ayaa sheegaya in halkaasi uu goordhaw ka dhacay qarax xooggan oo jugtiisa si weyn loo maqlay.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhacay Suuqa xoolaha lagu iibiyo ee Magaalada Jowhar, waxaana xilliga uu qaraxu dhacayay suuqa ahaa mud mashquul ah oo dad badan suuwa ay ku sugnaayeen.

Khasaaro kala duwan ayaa laga soo wariyay in uu gaystay qaraxa ka dhacay Suuqa xoolaha ee Magaalada Jowhar, waxaana goobta qaraxa ka dhacay ciidamada ammaanka kuwaa oo goobta kawada baaritaanno kala duwan..

Suuqa magaalada Jowhar ayaa maalmaha Sabtiga ah iyo Arbacada yahay mid aad u mashquul badan, waxaana qaraxa goordhaa dhacay laga cabsi qabaa in khasaaro badan uu geestay.

WARARKA