Saturday, September 28, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

dagaal culus oo Muqdisho ku dhex-maray kooxda AS iyo ciidamada Dowladda.

Sabti 28-Sep-2024 {HMC} Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar toos ah oo ay xalay kooxda AS ku qaaday gudaha degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, kaas oo muddo socday.

Weerarka oo uu dagaal xigay ayaa si weyn looga dareemay gudaha caasimada, waxaana dhawaqa iyo hubka ay is weydaarsanayeen labada dhinac laga maqlay meelo baxsan degmada Kaxda oo ah halka lagu dagalaamay.

Ilo wareedyo lagu kasoonyahay ayaa innoo sheegay in xubnaha kooxda AS ay bartilmaameedsadeen bar-koontarool oo ay ku sugnaayeen ciidanka Booliska, taas oo lagu magacaabo Buurta Cali Janaale, waxaana cabsi xoogleh ay soo wajahday dadka deegaanka.

Bartan oo lagu hubiyo gaadiidka ayaa lasoo wariyay in AS ay marka hore ku garaaceen qorayga Sabanka, waxaana kadib dhacay iska hor imaad foolka fool ah oo dhex-maray ciidamadii ku sugnaa goobta iyo raggii weerarka qaaday.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan, maadaama ay ahayd xilli habeen ah oo aan la heli karin xog rasmi ah oo ku aadan dagaalka ka dhacay halkaasi.

Xubnaha weerarka soo qaaday ayaa goobta ka baxsaday, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid kacsan, ayada raadka weerarkii xalay laga dareemayo degmada Kaxda.

Sidoo kale waxaa goobta la weeraray ku sugan ciidamada ammaanka oo iyaguna dadaallo dheeraad ah wada, kuwaas oo dagaal kala hortegay xubnaha weerarka soo qaaday.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay labada dhinac, kuna aadan weerarka iyo dagaalka xigay ee xalay ka dhacay halkaasi.

Weerarkan ayaa qayb ka noqonayo falalka amaanka dari ee haatan ka dhacaya gudaha Muqdisho, oo inta badan weeraro noocaan oo kale ah iyo qaraxyo ay ka fuliso AS.

WARARKA