Friday, September 27, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Xisbullah oo 80 Hantaal Wax Kabadan Ku Weerartay Israa’iil

Jimco 27 Sep 2024 {HMC}  Xisbullah oo ah koox hubeysan oo gacanta ku haysa qeybo ka mid ah dalka Lebanon, ayaa sheegtay inay beegsatay magaalada Safed ee waqooyi Israa’iil iyadoo adeegsanaysa gantaallo gaaraya ilaa 80.

Qoraal ay soo dhigtay barta Telegram-ka, ayay ku sheegtay in weerarku yahay mid ay “taageero ugu muujinayaan dadka reer Falastiin ee ku sugan Qasa ” iyo difaac ay difaacayaan “Lubnaan iyo dadkeeda, iyo jawaab celin ku aaddan xadgudubka Israa’iil’.

Booliska Israa’iil ayaa sheegay inaysan jirin warar khasaaraha la xirriira oo soo baxay ka dib weerarka balse ay jirto khasaare burbur hantiyeed

Dhinaca kale, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in in ka badan 90,000 oo qof oo hor leh ay ka barakaceen Lubnaan tan iyo isniinti.

Taasi ayaa tirada guud ee dadka guryahooda ka qaxay tan iyo 7-dii Oktoobar ka dhigaysa 110,000 oo qof.

Wasiirka arrimaha dibedda dalkaas, Abdallah Bou Habib ayaa sheegay in tiradu intaas ka badantahay, wuxuuna tirada dadka barakacay uu ku qiyaasay ku dhowaad “nus milyan”.

Duqeynamaha Israel ka wado Lubnaan ayaa waxaa ku dhintay boqolaal qof oo shacab u badan halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 200 kun oo qof.

WARARKA