Friday, September 27, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Wasiirada arrimaha dibadda Soomaaliya iyo itoobiya oo siyaabo kala duwan ula kulmay dhigooda Turkida

Jimc 27 Sep 2024 {HMC} Turkiga ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dadaallada ay ku dhexdhexaadinayaan Itoobiya iyo Soomaaliya, si looga gudbo ismari waaga ka dhashay heshiiskii Addis Ababa ay kula saxiixdeen maamulka gooni isu taagga ah ee Somaliland.

Hakan Fidan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, ayaa Aqalka Madaxtooyada Turkiga ku leeyahay Magaalada New York kula kulmay Wasiirada Arrimaha Dibadda Itoobiya Taye Atske Selassie, iyo Somaliya Axmed Macalin Fiqi.

“Hannaanka Ankara wuu sii socdaa, waxaana go’aansannay inaan ka shaqeyno sidii loo heli lahaa xal dheellitiran, macquul ah oo labada dhinacba faa’iido u leh si loo yareeyo xiisadaha jira,” ayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga tiri.

WARARKA