Saturday, September 28, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Ra’iisul Wasaare Hamza oo kulan la qaatay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Jimc 27 Sep 2024 {HMC} Ra’iisul Wsaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre, ayaa madasha kalfadhiga Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kula kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Xoghayaha Guud ayaa wada hadalkooda diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, iyada oo Soomaaliya ay isu diyaarineyso inay la wareegto xubinnimada kursiga Golaha Ammaanka ee Q.M. 2025 – 2026.

Waxaa kale oo labada hoggaamiye ay ka wada hadleen hawlgalka Qaramada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM, oo Xoghayaha Guud uu soo dhaweeyay soo jeedinta dowladda Soomaaliya ee ku saabsan qorshaha mustaqbalka xafiiska Qaramada Midoobay iyo dhinaca kale qorshaha kadib bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya

Kulankaan waxaa ka horeeyey kulan kale oo weyn oo Ra’iisul Wsaare Ra’iisul Wasaare Xamsa uu la yeeshay Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden, intii lagu guda jiray shirka guud ee Qaramada Midoobay ee magaalada New York.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo xiriirka istiraatijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyey dowladda Mareykanka iyo shacabkeeda taageerada joogtada ah ee ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada muhiimka ah ee amniga, dib-u-dhiska dowladnimada, iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada caalamiga ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Madaxweyne Biden ayaa mar kale xaqiijiyay madax-bannaanida, midnimada, iyo gobonimada dhuleed ee Soomaaliya, iyagoo qiray in ay muhiim u tahay xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

WARARKA