Friday, September 27, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Muxuu yahay dembiga loo heysto fannaanka Soomaaliyeed ee Keynaan ?

Jimc 27 Sep 2024 {HMC} Fannaanka heysta dhalashada dalka Canada ee asalkiisa Soomaaliya ka soo jeeda, Keynaan Cabdi Warsame, caanna ku ah heesta “Wavin’ Flag,” ayaa lagu eedeeyay tacaddi jinsi oo la sheegay inuu ka dhacay Magaalada Quebec City in ka badan 14 sano kahor.

Dacwad shalay loo gudbiyay maxkamadda Magaalada Quebec ayaa lagu sheegay in fannaankan heesaha rap-ka caanka ku ah, loo heysto tacaddi jinsi oo uu galay bishii July 2010, sida ay qortay wakaaladda wararka ee AP.

Waaran lagu soo xirayo oo la soo saaray ayaa sheegaya in tacaddigan uu geystay intii u dhaxeysay July 16 iyo July 17, 2010, taariikhdan oo sidoo kale muujineysa xilli uu fannaanku kasoo muuqday bandhigga caanka ah ee Magaalada Quebec ka dhacay ee Festival d’été de Québec.

Kiiska ayaa la geeyay maxkamadda, balse weli maxkamadda ma hor iman eedeysanaha. Qareennadiisa ayaan durba wax falcelin ah ka bixin arrintan.

Qofka la sheegay in Keynaan uu tacaddiga u geystay, oo aan magaceeda la shaacin, ayaa da’deedu ahayd 29 xilligaas.

Fannaankan Soomaaliya ku dhashay ayaa ku barbaaray magaalada Toronto, balse wuxuu deggan yahay Brooklyn, New York, sida ku xusan warqadda dacwadda.

Keynaan ayaa Talaadadii ku guuleystay Abaalmarinta SOCAN ee Canada sababo la xiriira heestiisii dunida qabsatay ee sanadkii 2009 soo baxday ee “Wavin’ Flag.”

Sidoo kale bishii January ee sanadkan ayay ahayd markii uu ku guuleystay abaalmarin lagu siiyay hees uu sanadkii 2023 soo saaray oo lagu magacaabo “Qaxooti” taasoo uu ugu talogalay qaxootiga adduunka.

Guddiga Recording Academy oo bixiya abaal-marinnada dhanka fanka ayaa u qoondeeyay abaalmarinta Special Merit Award, taasoo uu ku muteystay fankiisa ku wajahan isbeddelka bulshada.

Kenyaan ayaa loo magacaabay qofka sanadkan ku guuleystay Abaalmarinta Heesta ugu Wanaagsan ee Isbeddelka Bulshada, taasoo uu ku muteystay heestiisa Qaxooti ee sanadkii hore soo baxday.

Abaalmarintan ayaa waxaa bixiya Recording Academy — waana isla guddiga xirfadleyaasha muusikada ee sanad walba bixiya abaalmarinta caalamiga ah ee GRAMMYs — taasoo qeyb ka ah abaalmarinnadooda Special Merit Awards. Dadka ku guuleystay ayaa xaflad loo dhigi doonaa 3-da Febraayo kahor habeenka GRAMMYs.

Keynaan, oo ku soo caan-baxay heestiisa “Waving’ Flag,” ee uu ka qaaday Koobka Adduunka ee lagu qabtay Koofur Afrika ayaa mar walba fankiisa ku saleeya khibradihii shakhsiyadeed ee markii uu qaxootiga ahaa.

Qoyskiisa ayaa tegay Waqooyiga Ameerika iyagoo Soomaaliya kasoo tegay, iyagoo ka baxsanayay dagaalladii sokeeye, markaasoo uu da’yaraa waana sanadkii 1991, wuxuuna markii hore tegay Mareykanka kahor inta uusan degin magaalada Toronto.

Qiyaastii 10 sano kadib, oo uu fankiisa ka bilaabay Toronto, wuxuu ka qeyb galay munaasabadda sanad-guuradii 50-naad ee hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR, isagoo cambaareeyay sida aysan hay’addu wax weyn uga qaban Soomaaliya. Bandhiggaas kadib wuxuu Keynaan ku guuleystay abaalmarinno ay ka mid tahay The Dusty Foot Philosopher.

Keynaan ayaa markaas kadib diiradda saaray mashaariic kale. Balse heesta Qaxooti ee sanadkii hore soo baxday wuxuu ugu talogalay malaayiinka qof ee dunida qaxootiga ku ah laguna qasbay inay guryahooda ka baxaan.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Instagram, markii uu heesta soo saaray, ayaa wuxuu Keynaan ku yiri: “Soomaali ahaan eraygu wuxuu la micno yahay qof hoy la’aan ah. Waxaan doonayay inaan sameeyo hees u muuqan karta mid hoy u ah kuweenna naga midka ah ee ay dagaalladu hoy la’aan dhigeen.”

Heestan ayaa ah mid shakhsiyadeed iyo mid siyaasadeed intaba. Keynaan ayaa ku koray dhegeysiga gabayada qoyskiisa markii uu joogay Soomaaliya.

Xigasho BBC

WARARKA