Friday, September 27, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Duqii ballan-qaaday inuu si adag uga hortagi doono dembiyada oo isaga dembi loo heysto

Jimco 27 Sep 2024 {HMC} Duqa magaalada New York Eric Adams ayaa lagu wadaa in lasoo taago maxkamad maanta waxaana loo heystaa laaluush, wax is daba marin iyo ku lug lahaanshaha olole deeq oo dibadda ka timid oo sharci-darro ah.

Dacwaddan oo shalay laga soo gudbiyay ayaa sheegeysa in Adams uu dalbaday uuna oggolaaday deeq sharci-darro ah oo olole uu ku galay iyo ilaa $100,000 (£75,000) oo lacag safar uu ku galay oo uga timid rag ganacsatada Turkiga ka mid ah.

Adams, oo 64 jir ah, waa sarkaal booliis oo hore kaasoo loo doortay inuu hoggaamiyo magaalada ugu dadka badan Mareykanka ku dhowaad saddex sano kahor isagoo ballan qaaday inuu si adag wax uga qaban doono dembiyada.

Duqa ayaa beeniyay inuu wax khalad ah sameeyay wuxuuna ka biyo diiday baaqyada isa soo taraya ee ah inuu is casilo.

Haddii lagu helo, duqa wuxuu wajihi karaa ilaa 45 sano oo xabsi ah.

WARARKA