Friday, September 27, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Ciidamada Itoobiya oo dib u dayactir iyo ballaarin ka wada garoonka diyaaradaha ee Magaalada Baardheere

Jimco 27-Sep-2024 {HMC}  Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa wada dib u dayactir lagu sameynayo garoonka diyaaradaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo, iyadoo ay sii xoogeysaneyso xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF) Guutada 46aad ee Mootooyinka ayaa hormuud ka ah tayeynta madaarka taas oo qayb ka ah Mashruuca Saamaynta Degdegga ah (QIP), kaas oo ay ka mid yihiin in la kordhiyo dhabbaha ay diyaaraduhu ku ordaan 400 mitir si kor loogu qaado badbaadada iyo soo dejinta diyaaradaha waaweyn.

Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baardheere Jaamac Cali Xiire ayaa u mahad celiyay Ciidamada ATMIS ee ka qeyb qaadanaya dib u dayactirka Garoonka. Korneyl Mola Shumet, oo ah taliyaha guutada Itoobiya ee mashruucan hogaaminaya, ayaa sheegay in qaybta ay ka go’an tahay ilaalinta bulshada deegaanka ee gobolka oo dhan.

Mashruucan kaabayaasha dhaqaalaha ayaa kusoo beegmaya iyadoo Itoobiya ay sii kordheyso duullaanka iyo gacan ku haynta garoomada diyaaradaha ee gobolka Gedo oo ah gobol xasaasi ah oo ka tirsan Jubbaland.

Horaantii bishan ayaa la sheegay in ciidamada Itoobiya ay qabsadeen garoomo muhiim ah oo ku yaala Luuq, Doolow iyo Baardheere. Dib u habeynta lagu sameeyay garoonka diyaaradaha ayaa qeylo dhaan ka dhalisay dowladda federaalka Soomaaliya iyo kooxaha maleeshiyooyinka deegaanka.

WARARKA