Friday, September 27, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Taliyihii Booliska oo xilkii laga qaaday, loona magacaabay Wasiir ku-Xigeeyn

Khamiis 26-Sep-2024 {HMC} – Taliyihii ciidamada booliska Soomaaliya Sarreeye Gaas Sulub Axmed Firin ayaa xilka laga qaaday goor dhow, ayada oo loo magacaabay xil wasiir ku-xigeen.

Qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa u magacaabay, Mudane Sulub Axmed Firin, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XJFS.”

Xil ka qaadista Sulub ayaa timid saacado un kadib markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu u dallacsiiyey darajada Sarreeye Gaas.

Warar aan weli la xaqiijin ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh uu qorsheynayo inuu xilka taliyaha booliska u magacaabo Jeneral Asad Diyaano oo reer Puntland ah.

Hadii Asad Diyaano loo magacaabo Booliska Soomaaliya, waxay ka dhigan tahay in Xasan Sheekh uu ka dhabeynayo dagaalka siyaasadeed ee kala dhexeeya Saciid Deni, maadaama xilalkii uu siiyey siyaasiyiinta isaga kasoo horjeeda.

Gobolka Bari oo muhiim u ah Puntland waxaa degan ciidamo uu xukumo Asad Diyaano walaalkiis, kuwaas oo aad u tababaran, islamarkaana Saciid Deni aan ka amar qaadan, waxaana suurtagal ah in dowladda dhexe ay Saciid Deni uga awood badiso Boosaaso iyo guud ahaan gobolka Bari.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale xalay xilal la-taliye u magacaabay siyaasiin kale oo reer Puntland ah.

Madaxweynaha ayaa Axmed Jaamac Maxamed Cillal u magacaabay in uu noqdo La-Taliyaha Sare ee Arrimaha Dimuqraadiyadda iyo Dowlad Wanaagga. Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Cabdisamad Maxamed Gallan oo ah wasiirkii hore ee amniga Puntland u magacaabay La-Taliyaha Sare ee Arrimaha Federaalka.

WARARKA