Friday, September 27, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo Loo Magacaaway Generaal Asad Cismaan Cabdullaahi.

Khamiis 26-Sep-2024 {HMC} –  Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kualankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee magacaabidda Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kaas oo loo magacaabay Generaal Asad Cismaan Cabdullaahi.

Taliyaha cusub ee ciidanka Booluuska Soomaaliya ee Goluhu ansixiyey, ayaa ah sarkaal aqoon iyo khibrad u leh arrimaha ciidammada, isaga oo intii u dhaxeysay sanadihii 2007 ilaa 2018 soo noqday Taliyaha Ciidanka Amniga Puntland ee PSF.

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda JFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa sidoo kale looga hadlay qodobo kale oo muhiim ahaa.

Magacaabista taliyaha cusub ee ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay si weyn loo hadal hayay, waxa ayna magacaabistan imaaneysaa xilli taliyihii hore ee ciidanka booliiska xalay loo magacaabay in uu noqdo wasiir kuxigeen.

WARARKA