Friday, September 27, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

RW Xamse Abdi Barre oo Mareykanka kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Khamiis 26-Sep-2024 {HMC} – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka kulan kula yeeshay, Molly Phee, Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ee Afrika.

Kulanka dhaxmaray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Kaaliyaha Mareykanka ee Arrimaha Afrika ay uga wada hadleen xoojinta xiriirka labada waddan, sidii la isaga kaashan lahaa la dagaallanka argagixisada, amniga gobolka Geeska Afrika

Waxa ay sidoo kale Xamse Barre iyo Molly Phee kawada hadleen qaabka ay labada waddan ee Soomaaliya iyo Mareykanka ay iskula shaqeyn lahaayeen Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay oo Soomaaliya ay xubinnimadeeda qaadan doonto sannadka cusub.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo ku sugan xarunta Qaramada Midoobay ee New Yourk ayaa kulamo kula qaadanaya madax kala gedisan, waxa uuna kala hadlayaa xaalada Soomaaliya iyo sidii dowladda taageero dheeraad ah u heli laheyd.

WARARKA