Friday, September 27, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Putin oo uga digay Galbeedka adeegsiga hub niyukleer ah

Khamiis 26-Sep-2024 {HMC}  Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa uga digay reer galbeedka Arbacadii in Ruushku uu isticmaali karo hubka Nukliyeerka haddii lagu soo weeraro gantaalaha caadiga ah.

Putin ayaa sidoo kale sheegay in weerar kasto oo lagu soo qaado Ruushka, kaas oo ay gadaal ka taagantahay dowlad ku hubeysan niyukleer, in Moscow ay u tixgelin doonto mid si wadi jar ah loogu soo qaaday.

Putin oo furay shirka Golaha Amniga Ruushka, ayaa sheegay in isbaddaladani dhanka niyukleerka ah ay dowladdiisu uga jawaabeyso, isbaddalka deg degga ah ay ku dhacaya muuqaalka dunida kaas oo uu sheegay in uu khatar ku yahay Ruushka.

71-jirkan leh go’aanka ugu danbeeya ee Ruushka, ayaa sheegay in Ruushka uu ka fiirsan doono in uu adeegsado hubka niyukleerka, haddii dhulkiisa lagu soo weeraro gantaallada soo jireenka ah ee caadiga ah, diyaaradaha dagaalka ama kuwa aanan duuliyaha laheyn.

Ruushka ayaa muddo hadda laga joogo laba sano iyo bar ku duulay dalka deriska la ah ee Ukraine. Dagaalkaas ayaa keenay in uu aad u xumaado xiriirka Ruushka iyo dalalka reer Galbeedka, taasoo dhalisay cabsi ah la xiriirta in la isu adeegsado hub culus.

WARARKA